Waxaa qortay Arlene Getz
Cadaalad u helid la’aanta joogtada ah ee ku aaddan dilalka weriyayaasha ayaa khatar weyn ku ah xorriyadda saxaafadda. Toban sano kadib markii ay Qaramada Midoobay maalin caalami ah u astaysay soo afjaridda la xisaabtan la’aanta dembiyadda loo geysto weriyayaasha – iyo in ka badan 30 sano kadib markii ay hay’adda CPJ bilowday in ay diiwaangeliso dilalka weriyayaasha – ayaa 80% waxaan weli xal loo helin kiisaska suxufiyiintii la laayay.
Waddanka ay xasaraddu ka taagan tahay ee Haiti ayaa kamid noqday dalalka kuwa dila weriyayaasha ay u badan tahay in aan loo ciqaabin dembigooda oo ay xor ahaadaan, sida lagu ogaaday Tusmada La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee CPJ ee 2023. Mushkilado ay kamid yihiin rabshadaha burcadda, saboolnimo baahsan, xasillooni darro siyaasadeed iyo garsoor aan sidii la rabay u shaqeyn ayaa dhaliyay in waddankaas ku yaalla Caribbean-ka uu markii ugu horreysay kamid noqdo liiska sanadlaha ah ee ay CPJ ku diiwaangeliso dalalka aan lala xisaabtamin kuwa dila weriyayaasha.
Haiti ayaa hadda kaalinta saddexaad kaga jirta liiska, waxaana ka sarreeya Suuriya iyo Soomaaliya. Dalalka kala ah Soomaaliya, Ciraaq, Mexico, Filibiin, Pakistan iyo Hindiya ayaa liiskan ka mid ahaa sanad kasta tan iyo markii la billaabay. Suuriya, South Sudan, Afghanistan iyo Brazil ayaa iyaguna liiska ku jiray sanado badan, taas oo na xusuusinaysa sida ay joogtada u tahay isla xisaabtan la’aanta.
Sababaha ay dalalkaas u maxkamadeyn la’ yihiin kuwa dila weriyayaasha ayaa isugu jira colaadaha ka taagan, musuq-maasuq, fallaago, tirada booliska oo ku yar iyo rabitaan siyaasadeed oo meesha ka maqan si loo ciqaabo kuwa dila weriyayaasha madaxa bannaan. Dalalkaas ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo dimuqraadi ah iyo kuwa kaligii talis uu hoggaamiyo, kuwo ay xasarado ka taagan yihiin iyo kuwo xasilloon. Qaarkood waxa ay ka soo baxayaan sanado badan oo colaad ah, balse dagaallada yaraaday ma aysan horseedin in ay joogsadaan dilalka weriyayaasha. Sii socoshada la xisaabtan la’aanta kuwa dila weriyayaasha ayaa waxa ay dhiiragelin u noqon kartaa kuwa mustqabalka doonaya in ay sameeyaan falalkaas gurracan, waxaana ay hoos u dhigi kartaa hawlaha warbaahinta madaxa bannaan, maadaama weriyayaasha ay noqonayaan kuwo dalka ka carara, kuwo sameeya faafreeb ama kuwa gebi ahaanba isaga hara mihnaddooda saxafinimo.
Tusmada sanadkan ayaa lagu diiwaangeliyay 261 weriye oo shaqadooda darteed loo dilay mudadii u dhexaysay 1-dii September 2013 – oo ah sanadkii ay Qaramada Midoobay 2-da November u astaysay Maalinta Caalamiga ah Ee Soo Afjaridda Dembiyada Ka Dhanka ah Weriyayaasha – iyo 31-kii August 2023. Waxaa tusmada ay muujisay in mudadaas aysan jirin cid loo maxkamadeeyay 204 dilalkaas kamid ah, taasoo ka badan 78% tirada weriyayaasha la dilay. (Weriyayaasha lagu dilay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee bilowday 7-dii October ayaan lagu darin liiskan, maadaama dilalkaas ay dhaceen kadib mudada lagu cayimay tusmada.)
La xisaabtan la’aanta 78% ah ayaa muujinaya horumar kooban marka loo eego heerka ugu sarreeyay ee 90% ahaa ee ay CPJ diiwaangelisay toban sano ka hor. Balse ma ah in loo fasiro ifafaalo wanaagsan. Waxaa weli xooggan isla xisaabtan la’aanta, iyadoo ay iska caddahay in ku dhawaad afar kamid ah shanti weriye ee la dilay aysan jirin cid loo maxkamadeeyay dilkooda.
Guud ahaan, CPJ ayaa diiwaangelisay dilalka 956 weriye oo loo beegsaday shaqooyinkooda tan iyo markii ay bilowday tirakoobka sanadkii 1992. Dilalka 757 weriye – oo u dhiganta in ka badan 79% – ayaan cidna loo maxkamadeyn.
Dhaafsiisan tusmada
Tusmada la xisaabtan la’aanta CPJ ayaa lagu daray dalalka lagu dilay ugu yaraan shan weriye, dilalkaas oo aan cidna loo maxkamadeyn tobankii sano ee la soo dhaafay. Waxaa lagu xusay tusmada keliya kiisaska aan cidna loo maxkamadeyn, halka laga reebay kuwa loo xukumay qaar kamid dadkii lagu tuhunsanaa. Dal kasta waxaa loo diiwaangeliyaa tirada dilalka weriyayaasha loogu geystay oo loo qeybiyay tirada dadka ku nool dalkaas, taasoo micnaheedu yahay in waddamada dadkoodu badan yahay sida Hindiya iyo Mexico ay kaalin hoose kaga jiraan liiska walow ay sarreyso tirada weriyayaasha lagu dilo.
Balse saameynta ka dhalatay la xisaabtan la’aanta ayaa dhaafsiisan waddamada ku soo noq-noqday liiska sanadlaha ah ee CPJ. Dilalka weriyayaasha ee aan cidna loo ciqaabin ayaa saameyn xun ku yeeshay suxufiyiinta maxalliga ah meel kasta oo ay joogaan ba, taasoo curyaamisay xorriyadda saxaafadda iyo in laga warramo waxyaabaha danta u ah bulshada.
Weriyayaal Falastiiniyiin ah oo ku sugan Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato oo ay hay’adda CPJ ku waraysatay warbixinta “Deadly Pattern” ee la daabacay horraantii sanadkan ayaa sheegay in war tebintooda ay wiiqday cabsida sii kordhaysa ku aaddan badqabkooda, kadib markii ay ciidamada Israa’iil toogasho ku dileen weriyihii Aljazeera Carabi Shireen Abu Caqlah bishii May 2022. Baaritaan ay samaysay CPJ ayaa lagu ogaaday in aysan jirin cid lagula xisaabtamay dhimashada 20 weriye oo ay dishay rasaasta milateriga Israa’iil 22-kii sano ee la soo dhaafay. “La xisaabtan la’aanta kiisaskaas ayaa si weyn u wiiqday xorriyadda saxaafadda, iyadoo hubanti la’aan galisay xuquuqda weriyayaasha,” ayaa lagu sheegay warbixinta. (Israa’iil laguma xusin liiska maadaama tiro ka yar shan weriye oo la dilay mudada lagu xusay tusmada loo aqoonsaday in loo beegsaday shaqadooda.)
Dhowr waddan oo ka tirsan Midowga Yurub, isla markaana lagu tiriyo in ay si wanaagsan u ilaaliyaan badqabka suxufiyiinta ayaa waxaa sii kordhayay cadaadiska lagu hayo warbaahinta, iyadoo aan la xallin weriyayaal lagu dilay waddamada Malta, Slovakia, Giriigga iyo Netherlands.
Dalalka Malta iyo Slovakia, waxaan cadaalad buuxda weli loo helin dilalka weriyayaasha kala ah Daphne Caruana Galizia iyo Ján Kuciak. Giriigga ayaan weli cidna u qaban dilkii 2010 loo gaystay Sokratis Giolias, iyadoo warbixin dhawaan soo baxday oo cinwaan looga dhigay “Duni Si Badqabta Loogu Sheegi Karo Runta” – oo ay iska kaashadeen hay’adda xuquuqda u dooda ayna kamid tahay CPJ – lagu ogaaday gaabis dhanka xukuumadda Giriigga ah oo ku aaddan baaritaanka dilkii weriye Giolias iyo dil lamid ahaa oo 11 sano kadib loo geystay weriye Giorgos Karaivaz.
Waxaa maxkamad sugayaal ku ah dalka Netherlands sagaal eedaysanayaal oo loo haysto dilka weriyihii waddankaas u dhashay Peter R. de Vrie, kaasoo la toogtay xilli uu ka soo baxayay xarun telefishin 2021. Inkastoo aanay caddeyn in De Vries iyo Karaivaz loo beegsaday shaqadooda, ayaa weriyayaal ku nool Giriigga iyo Holland waxa ay CPJ u sheegay in dilalkaas ay abuureen cabsi iyo faafreeb warbaahinta dhexdeeda ah. Geerida De Vries waxa ay “saameyn ba’an ku yeelatay weriyayaasha,” ayuu weriye Paul Vugts oo ka hadla dembiyada, isla markaana ah suxufigii ugu horreeyay ee ay booliska Netherland siiyaan ilaalo joogta ah kadib hanjabaado dil oo la xiriira shaqadiisa darteed, u sheegay CPJ.
Dalalka loo arko in ay ku liitaan ilaalinta badqabka weriyayaasha ayaa waxaa weli ka socda weerarrada aargoosiga ah ee ku aaddan suxufiyiinta. Dalka Cameroon, ee ku yaalla bartamaha Afrika ayaa waxaa 22-kii January 2023 laga helay meydka weriye Martinez Zogo oo jirkiisa la jarjaray. Jean-Jacques Ola Bebe, oo xiriir shaqo uu kala dhexeeyay Zogo ayaa isna meydkiisa la helay 12 maalmood kadib. Dhowr saxafi oo uu Zogo uga digay in ay bartilmaameed yihiin ayaa ka cararay Cameroon, halka kuwo kalena ay go’aansadeen in ay faafreebaan wararkooda. “Dilka, waxyeeleynta muuqata, afduubka, jirdilka iyo hanjabaadaha ay booliska, sirdoonka iyo milateriga Cameroon iyo weliba dhinacyada kale ee aan dowliga ahayn ay ku hayaan weriyayaasha ayaa saameyn ba’an ku yeelatay warbaahinta,” ayaa lagu sheegay warbixin ay bishii July u gudbiyeen Qaramada Midoobay hay’ado ay kamid tahay CPJ.
Waddo adag oo loo maray cadaaladda
Tan iyo 1992, waxaa cadaalad buuxda loo helay oo keliyay 47 weriye oo la dilay – tiradaas oo ka yar 5% wadarta suxufiyiinta la laayay. Xogta CPJ ayaa muujinaysa in cadaadiska caalamiga ah, maxkamadeynta heer caalami ah iyo isbedalka ku yimaada xukuumadaha ay dowr muhiim ah ka qaadan karaan sidii loo ciqaabi lahaa kuwa dila weriyayaasha.
Kiiskaas cadaaladda loo helay waxaa kamid ah kiiska weriye Hugo Bustíos Saavedra oo u dhashay dalka Peru. Waxaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay milateriga dalkaas qaadeen 24-kii November 1988, xilligaas oo uu tebinayay colaaddii u dhexaysay ciidamada dowladda iyo jabhaddii Shining Path. Waxa ay ku qaadatay maxkamadda dembiyada Peru ku dhawaad 35 sano in ay Daniel Urresti Elera oo ahaa taliyihii sirdoonka milateriga ee aagga lagu dilay Bustíos ku xukunto 12 sano oo xabsi ah, dowrkii uu ku lahaa dilka weriyaha awgeed. (Halkan ka akhriso heerarka uu soo maray kiiska Bustíos).
Xukunka Urrest ayaa waxaa sahlay qodobo ay kamid yihiin isbedalka ku yimid siyaasadda gudaha ee Peru, dib u furidda baaritaannada kiisaska la xiriira xuquuqda aadanaha kadib markii ay Maxkamadda Ugu Sarraysa Peru si buuxda u laashay sharcigii cafiska 1995 loogu fidiyay saraakiisha milateriga, iyo dedaaladda socda ee ururada xuquuqda aadanaha – ayna CPJ kamid tahay – ay ka wadaan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaaradaha Ameerika.
Dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, geeridii bishii August ee hogaamiyihii calooshood u shaqeystayaasha Wagnar, Yevgeny Prigozhin, laba bilood kadib markii uu ciidamadiisa ku amray in ay xoog ku galaan Moscow, ayaa dhalisay rejo ah in ay soo ifbaxdo xogta saddex weriyayaal Ruush ah oo sanadkii 2018 lagu dilay gudaha Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, sida ay qortay xiriiriyaha barnaamijyada CPJ ee Yurub iyo Bartamaha Aasiya, Gulnoza Said. Saddexda weriye oo kala ahaa, Orkhan Dzhemal, Kirill Radchenko iyo Aleksandr Rastorguyev, ayaa la toogtay saddex maalmood kadib markii ay dalkaas u tageen si ay u baaraan hawlaha ay halkaa ka qabtaan calooshood u shaqeystayaasha Wagnar.
Maxkamadeynta caalamiga ah, oo waddan u oggolaanaysa in uu qaado kiiska dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka dhacay gudaha dal kale, ayaa noqon karta hab waxtar leh. Bai Lowe oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan kooxda dilayaasha “Junglers” ee ka dambaysay dilka weriyihii Gambia u dhashay ee Deyda Hydara, ayaa lagu maxkamadeynayaa dalka Jarmalka – waana qofkii ugu horreeyay ee lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee dhacay intii uu Gambia xukumayay Yahya Jammeh ee lagu maxkamadeeyo dibedda dalkaas.
Cadaadiska caalamiga ah ayaa ah qaab kale oo keeni kara in xukuumadaha ay baaraan kiisaska aan la xallin ee dilalka weriyayaasha – xitaa haddii aysan baaritaannada horseedin maxkamadeyn. Warbixinta “Deadly Pattern” ee hay’adda CPJ ay ka diyaarisay weriyayaasha ay dileen milateriga Israa’iil ayaa lagu ogaaday in mas’uuliyiinta ay u badan tahay in ay baaraan dilalka weriyayaasha haysta baasaboorrada ajnabiga ah. “Xaddiga ay baarito Israa’iil ama ay sheegto in ay baarayso dilalka weriyayaasha ayaa u muuqata mid xiriir la leh cadaadiska uga imanaya dibedda,” ayaa lagu sheegay warbixinta.
Kiiska Bustíos ayaa muujiyay rejo kooban. Balse waxa uu sidoo kale caddeeyay in dhabbaha loo maro helida cadaaladda uu yahay mid adag oo dheer – isla markaana aysan ka guul gaarin inta badan kiisaska weriyayaasha la dilay.
Dalalka ku jira Tusmada La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee CPJ ee 2023
- Suuriya
Afar iyo toban weriye ayaa lagu dilay Suuriya oo aan kiisaskooda cidna lagala xisaabtamin mudada lagu xusay tusmada 2023. Toban kamid ah waxa ay dhinteen intii u dhexaysay 2013 ilaa 2016, xilligaas oo kacdoonkii ka dhanka ahaa xukunka Bashar al-Asad uu isu bedaly dagaal buuxa oo ay qeyb ka yihiin dalalka gobolka, kuwo caalami ah iyo ururka Daacish oo dhul ka qabsaday qeybo kamid ah Suuriya. Waxaa la rumaysan yahay in ururka Daacish uu dilay sideed kamid ah tobankaas weriye ee dhintay intii u dhexaysay 2013 ilaa 2016. Dagaalka ayaa qaboobay tan iyo markii uu Asad dib u qabsaday inta badan dalka, balse warbaahinta Suuriya ayaa wiiqantay xilli ay weriyayaal badan u qaxeen dibedda, iyadoo ay ciidamada dalkaas sii wadaan cagajugleynta, hanjabaadaha ama xariga lagu hayo weriyayaasha.
- Soomaaliya
Soomaaliya ayaa sideedii sano ee la soo dhaafay ahayd dalka ugu liita dhanka la xisaabtan la’aanta, waxaana ay kaalinta labaad ka gashay tusmada 2023. Hoos u dhacan kama dhigna in uu soo hagaagayo rikoorka la xisaabtan la’aanta ee Soomaaliya, balse waxaa sababay habka loo xisaabiyo kala sarreynta: Saddex kamid ah afarta weriye ee la dilay 2013 ayaa dhintay ka hor 1-dii September ee sanadkaas, taas oo ka dhigan in aan lagu dari karin mudada lagu xusay tusmada sanadkan. Inta badan 11-ka weriyayaal ee la dilay mudada tusmada ayaa dilalkoodu waxa uu dhacay 2013 ilaa 2018, waxaana la rumaysan yahay in uu ka dambeeyay ururka Al-Shabaab, oo ah fallaago doonaysa in shareecada Islaamka sida ay u fasirteen looga hirgaliyo Soomaaliya. Xaaladda Soomaaliya ayaan weli sugnayn, xilli uu socdo duullaan ka dhan ah Al-Shabaab. Tebinta wararka Al-Shabaab ayaa ah arrin khatarteeda leh, isla markaana dil horseedi karta. Warbaahinta ayaa wajahaysa xadidaad adag, iyadoo weriyayaasha ay weli wajahayaan xarig, hanjabaad, iyo dhibaateyn.
- Haiti
Haiti ayaa ku soo biirtay tusamada, kadib markii la xallin waayay dilalka lix weriye oo dhintay tan iyo 2019. Shan kamid ah waxaa la dilay 2022 iyo 2023, waxaana ay suxufiyiintaas kamid noqdeen boqolaalka Haitiyaanka ah ee ay laayeen burcadda hubaysan ee la wareegay qeybo badan oo kamid ah dalkaas ay ka taagan tahay xasaradda dhaqaale ayna uga sii dareen musiibooyinka dabiiciga ah iyo firaaqa siyaasadeed kadib markii la khaarajiyay Madaxweyne Jovenel Moïse sanadkii 2021. Weriyayaal Haiti u dhashay ayaa la afduubtay, isla markaana lagu qasbay in ay ka cararaan dalkooda iyagoo ka cabsi qaba in shaqadooda ay u horseedayso khatar ka badan rayidka kale. (Halkan ka akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaha Haiti).
- South Sudan
Dhammaan shanta weriye ee lagu dilay South Sudan ayaa dhintay kadib markii ay dabley aan heybtooda la aqoonsan jidka u galeen kolonyo ay la socdeen oo maraysay gobolka Galbeedka Baxr Al Ghazal 25-kii January 2015. Warbaahinta South Sudan ayaa intii muddo wajahaysay cadaadis, dalkaas oo ay hareeyeen dagaallo sokeeye iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah tan iyo markii uu madax bannaanida qaatay 2011. CPJ ayaa sanadihii la soo dhaafay diiwaangelisay falal badan oo isugu jira dhibaateyn, xarig iyo dilka weriye colaadaha ka warrama oo ku dhintay is rasaaseyn.
- Afghanistan
Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka 13 weriye oo kamid ah 18-ka suxufi ee Afghanistan lagu dilay tobankii sano ee la soo dhaafay. Toban kamid ah weriyayaashaas ayaa dhintay 2018 oo keliya, markaas oo sagaal kamid ah ay ku naf waayeen laba qarax oo Kabul ka dhacay 30-kii April ee sanadkaas, halka midka kalena todobaad ka hor lagu toogtay Kandahaar. Inkastoo ay yaraadeen weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha tan iyo markii uu xukunka la wareegay ururka Taliban 2021, haddana tiro badan oo suxufiyiin ah oo ka cabsi qaba xukunka adag ee ururkaas ayaa waddanka ka cararay, waxaana wiiqmay saaxadda warbaahineed ee mar ahayd mid xooggan.
- Ciraaq
CPJ ma aysan diiwaangelin weriye shaqadiisa awgeed loogu dilay Ciraaq tan iyi 2017. Afar iyo toban kamid ah 17-ka lagu diiwaangaliyay keydka CPJ ayaa la dilay 2013 iyo 2015 markaas oo ay dib u bilowdeen colaadaha mad-habta ku salaysan ee waddankaas. Inkastoo ay yaraadeen rabshadaha, hadda waxaa weli taagan hanjabaadaha iyo xayiraadaha lagu hayo warbaahinta, gaar ahaan gobolka Kurdistan ee dalkaas.
- Mexico
Waxaa hoos u dhacay tirada weriyayaasha lagu dilay Mexico marka loo eego sanadkii hore, balse waddankaas ayaa weli kamid ah meelaha ugu khatarta badan ee ay ka hawlgalaan weriyayaasha. Todobo iyo toban kamid ah 23-ka weriye ee lagu dilay Mexico mudada lagu xusay tusmada ayaa la rumaysan yahay inay dileen burcad. CPJ ayaa ogaatay in weerarrada heerkoodu sarreeyo ee ka dhanka ah weriyayaasha qeyb ahaan loo sababeyn karo mas’uuliyiinta dowladda heer federaal iyo heer goboleed oo ku guuldaraystay in ay wanaajiyaan badqabka iyo jawiga ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta ama in xitaa ay si dhab ah ula tacaalaan dembiyada ka dhanka ah saxaafadda.
- Filibiin
Filibiin ayaa kamid ah waddamada ugu khatarta badan ee ay ka hawlgalaan weriyayaasha, gaar ahaan kuwa u warrama idaacadaha. Inkastoo uu Madaxweyne Ferdinand Marcos Jr. qaatay siyaasad dabacsan oo ku aaddan warbaahinta tan iyo markii uu xukunka la wareegay June 2022, ayaa haddana CPJ waxa ay ku warrantay in weli uu dalkaas ka jiro dhaqanka faafreebidda ay isku sameeyaan warbaahinnada, halka dabacsanaanta uu muujiyay Marcos aanay la socon tallaabooyin wax ku ool ah oo meesha looga saarayo dhaawicii uu xorriyada saxaafadda u geystay maamulkii Rodrigo Duterte. Labaatan weriye ayaa lagu dilay Filibiin tan iyo September 2013, saddex kamid ahna waxaa la dilay inta uu xafiiska la wareegay Marcos.
- Myanmar
Tirada weriyayaasha lagu dilay Myanmar ee aan cidna lagula xisaabtamin ayaa ah shan, iyadoo aan sanadkan la diiwaangelin kiis cusub. Dalkan ayaa markii ugu horreysay lagu daray liiska sanadkii 2022, oo ah markii uu taliska milateriga ee xukunka la wareegay uu xabsiga u taxaabay tobanaan weriyayaal ah, isla markaana uu u adeegsaday shuruuc qaranka ka dhan ah si uu u burburiyo warbaahinta madaxa bannaan iyadoo uu waddankaas afgembi ka dhacay February 2021.
- Brazil
Brazil ayaa ku hawlan sidii ay u soo celin lahayd xiriirka wanaagsan ee ay dowladdu la leedahay warbaahinta, kadib markii uu Luiz Inácio Lula da Silva doorashadii madaxtinimo ee dhacday 2022 kaga guulaystay madaxweynihii xagjirka ahaa ee Jair Bolsonaro. Dowladda cusub ayaa horraantii sanadkan qaaday tallaabooyin ay kamid yihiin sameynta Guddiga La Socoshada Tacaddiyada Ka Dhanka ah Weriyayaasha. Sanadkan 2023, lagama diiwaangelin Brazil wax dil ah oo loo geystay weriye, balse waxaan maxkamad la soo taagin dadkii dilay 11 weriye oo la rumaysan yahay in ay burcad khaarajiyeen inta lagu jiray mudada ku xusan tusmada. Dilkii 2022 keymaha Amazin loogu geystay weriye Dom Phillips oo Britain u dhashay iyo Bruno Pereira oo khabiir ku ahaa arrimaha dadka keymahaas mudada badan ku nool ayaa muujinaya khatarta ay wajahaan weriyayaasha ka hadla arrimaha deegaanka ee gobolkaas.
- Pakistan
Pakistan ayaa kamid ah waddamada liiska si joogta ah ugu jiray tan iyo markii la billaabay, waxaana laga diiwaangeliyay sideed weriye oo lagu dilay, cidna aan loo qaban mudada lagu xusay tusmada. Afar kamid ah weriyayaashaas waxaa la rumaysan yahay in ay dileen burcad, laba kalena ururo siyaasadeed. CPJ ayaa diiwaangelisay tacaddiyo badan oo lagula kacay warbaahinta Pakistan kadib markii xukunka laga tuuray Ra’iisal Wasaare Cimraan Khan bishii April 2022.
- Hindiya
Hindiya ayaa ka soo muuqatay liiskan sanad kasta tan iyo 2008. Inta badan 19-ka weriye ee la dilay tan iyo September 2013 ayaa la rumaysan yahay in ay dileen burcad, oo ay sababsadeen arrimo ay kamid yihiin deegaanka iyo siyaasadaha maxalliga ah, balse weriyayaasha ayaa wajahaya cadaadis xooggan xilli ay dalkaas ka dhacayso doorasho 2024. Xariga, duullaanka ay booliska ku qaadaan xarumaha warbaahinta iyo xayiraadda website-yada ayaa waxaa dheer in xukuumadda ay sharciga la dagaallanka argagixisada u adeegsato warbaahinta.
Habka Diyaarinta Tusmada
Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ ayaa xisaabisa tirada dilalka loo geysto weriyayaasha ee aan la xallin, iyadoo u eegaysa boqollayda ay dilalkaasi ka yihiin tirada dadka ku nool waddankaasi. Tusmadan hadda, CPJ ayaa daraasad ku samaysay dilalkii dhacay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2013 illaa 31-kii Agoosto 2023 ee aan la xallin. Tusmadan waxaa lagu daray oo keliya dalalka ay ka jiraan kiisas gaaraya ama ka badan shan ee aan la xallin. CPJ ayaa dil u aqoonsan in si ula kac ah weriye nafta looga jaro shaqada uu hayo awgeed. Tusmadan kuma jiraan weriyayaasha lagu dilay furimaha dagaalka ama goobaha khatarta ah sida dibedbaxyada isu bedala rabshadaha. Kiisaska ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan la xallin, haddii aanay jirin cid ay maxkamad xukun ku ridday, xitaa haddii la aqoonsaday la tuhunsanayaasha ayna xiran yihiin. Kiisaska qaar kamid ah la tuhunsanayaasha la xukumay ayaa lagu tilmaamaa in qeyb ahaan lala xisaabtamay. Sidoo kale, kiisaska dadka la tuhunsanayaasha ay ku dhintaan hawlgallada lagu soo qabanayo ayaa loo aqoonsaday kuwo qeyb ahaan lala xisaabtamay. Tusmada ayaa lagu xisaabay oo keliya dilalka aan sida buuxda loola xisaabtamin. Kama mid ah dilalka qeyb ahaan lala xisaabtamay. Xogta tirakoobka dadka ee Bangiga Adduunka uu 2022 ka diyaariyay Tilmaamayaasha Horumarka Caalamka oo la darsay October 2023 ayaa loo isticmaalay xisaabinta heerka uu joogo dal kasta.