Lusaka, July 1, 2022 – Waa in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay si degdeg ah oo adag u baaraan qarax ay ku dhinteen saddex qof, kuna dhaawacmeen weriyayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Siyaad iyo Khaalid Maxamuud Cismaan, isla markaana lala xisaabtamo kuwa ka dambeeyay falkaas, waxaa sidaa Jimcihii sheegtay hay’adda the Committee to Protect Journalists.
Isniintii 27-ka June, gaari ay saarnaayeen weriyayaasha iyo saraakiil ka tirsan dowladda ayaa ku burburay qarax wadada loo galiyay oo ku haleelay deegaanka Qabno ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen warbaahinno kala duwan, isla markaana uu Tweeter-ka ku qoray Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayna qoraal wadajir ah ku soo saareen hay’adaha difaaca xuquuqda warbaahinta maxalliga ah ee kala ah: Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA).
Warbaahintaas ayaa qaarkood tebiyay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, halka qaarna ay sheegeen inuu ka dhashay bambo la dhigay wadada geeskeeda. CPJ uma suuragelin inay si degdeg ah ku ogaato waxa dhaliyay qaraxa.
Qaraxa waxaa ku naf waayay saddex askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen Cabdikariim iyo Khaalid oo ka tirsan telefishinka Hirshabelle ee ay dowladdu maamusho, sida ay sheegeen warbaahintaas iyo wasiirka warfaafinta, dhaqanka, iyo dalxiiska ee Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan oo qaab farriin ah ugu warramay CPJ.
Weriyayaasha ayaa xilliga uu qaraxa dhacay tebinayay hawlgal milateri oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, sida uu wasiir Maxamed u sheegay CPJ. Waxa uu intaa raaciyay in weriyayaasha ay xaaladdoodu “wanaagsan tahay” dhaawacana uu ka gaaray wejiga, balse aanay laf jabin. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, sida ay tebisay warbaahinta.
“Weriyayaasha Soomaaliya ayaa mar kasta khatar ugu jira in loo geysto weerar muuqda, qaabka keliya ee arrintaa wax looga qaban karo ayaa ah in la xaqiijiyo isla xisaabtanka, gaar ahaan marka weriye la dhibaateeyo xilli uu ku guda jiro shaqadiisa,” ayay tiri Muthoki Mumo, wakiilka CPJ ee dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika. Waxa ay intaa raacisay “Mas’uuliyiinta dowladda waxaa looga baahan yahay inay baaritaan hufan ku sameeyaan dhaawacyada qarixii dhawaa ka soo gaaray weriyayaasha kala ah: Cabdikariin Maxamed Siyaad iyo Khaalid Maxamuud Cismaan, taasoo qeyb ka noqonaysa dedaallada loogu jiro xaqiijinta badqabka weriyayaasha Soomaaliya.”
Labada weriye ayaa Isniintii loo qaaday degmada Guriceel ee Galmudug, iyadoo Talaadadii loo duuliyay caasimadda Muqdisho, si wax looga qabto xaaladdooda caafimaad, sida ay sheegtay warbaahinta, uuna xaqiijiyay wasiir Maxamed.
Afhayeenka booliska Hirshabelle, Diini Rooble ayaa qaab farriin ah CPJ ugu sheegay in laamaha ammaanka ay “ka shaqeynayaan sidii lagu ogaan lahaa dadka ka dambeeyay qaraxa.”
Bashiir Cabdullahi Cismaan, isuduwaha hay’adda SJS ee gobolka Hiiraan ayaa qaab farriin ah CPJ ugu sheegay “weriyayaasha Hirshabelle waxay ku shaqeeyaan xaalad adag. Weriyayaashu waxa ay ka baqaan qaraxyada iyo hanjabaadaha uga yimaada Al-Shabaab.”
Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar ayaa Arbacadii labada weriye ku booqday cisbitaalka Kalkaal ee Muqdisho, waxaana uu ballanqaaday inuu bixin doono dhammaan kharashaadka ku baxa daweyntooda, sida uu sheegay Bashiir.
20-kii November 2021, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay weriye Cabdicasiis Maxamud Guuleed, halka uu dhaawac ka soo gaaray laba weriye oo kale: Sharmarke Maxamed Warsame iyo Cabduqaadir Cabdullaahi Nuur, sida ay xilligaa diiwaangelisay CPJ.