Lusaka, 28 Janaayo 2022 – Waa in maamulka Hirshabelle ee Soomaaliya uu degdeg u joojiyo hanjabaadaha iyo faafreebka uu ku hayo warbaahinta, gaar ahaan xariga aan loo meeldayin iyo xiritaanka idaacadaha ka fekerka duwan, ayay Jimcihii sheegtay hay’adda the Committee to Protect Journalists.
Galabnimadii Jimcaha ay taariikhdu ahayd 21 Janaayo 2022, ciidan hubaysan oo ka tirsan booliska Hirshabelle ee magaalada Beledweyne ayaa xoog ku galay xarunta idaacadda madaxa bannaan ee Hiiraan Weyn oo xilligaas hawada ku jirtay, sida uu farriimo qoraal ah ugu sheegay CPJ tifaftiraha guud Yaasiin Cali Axmed, ayna war saxaafadeed wadajir ah ku sheegeen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), isla markaana lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ). Ciidamada ayaa hawada ka saaray idaacadda, waxaana ay muddo lix saacadood ah haysteen todobada weriye, sida ay sheegeen ila wareedyadaas.
Weerarka lagu qaaday idaacadda ayaa ka dambeeyay kadib markii laba saacadood ka hor ay baahisay waraysi ay la yeelatay Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Hiiraan ee Beledweyne, oo ah urur diiddan hogaanka xilligan ka jira Hirshabelle, sida uu sheegay Yaasiin, oo intaa ku daray in booliska ay hubkooda ku jabiyeen albaabka xarunta si ay gudaha ugu galaan idaacadda.
“Falka foosha xun ee lagu xiray todobada weriye ee ka tirsan Hiiraan Weyn iyo in muddo kooban hawada laga saaray idaacadda ayaa muujinaya meel ka dhaca lagu hayo xuquuqda weriyayaasha ee ah inay si xor ah oo aan cabsi lahayn uga shaqeeyaan Soomaaliya,” ayay tiri Angela Quintal oo ah isuduwaha CPJ ee barnaamijka Afrika, kuna sugan New York. “In weriyayaasha loogu hanjabo dil, gaar ahaan waddan ay caadi ka tahay la xisaabtan la’aanta kuwa dila weriyayaasha ayaa waxa ay direysaa farriin argagax leh. Waa in lala xisaabtamo dadka falkaas geystay, darajo kasta oo ay leeyihiin ba, oo aan laga aamusin ficilkooda.” Ayay hadalkeeda raacisay.
Iyadoo 25 weriye oo Soomaaliya lagu dilay tobankii sano ee la soo dhaafay aan weli kiisaskooda la xallin, ayaa Soomaaliya waxa ay kaalinta koobaad uga jirtaa Tusmada CPJ ee La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah taasoo muujinaysa in dalka uu yahay kan ugu xun ee weriyayaasha lagu dilay aysan cadaallad helin.
Todobada weriye oo kala ah – Yaasiin, Cabdullahi Cali Abukar, Maxamed Ibrahim Axmed, Maxamed Cisman Maxamud, Cabdisamad Cilmi Cabdi, Cabdimajid Dahir, iyo Mustaf Cali Caddow – ayaa muddo lix saacadood ah lagu hayay saldhigga booliska ee Beledweyne, waxaana askartii haysan ay u sheegeen inay yihiin “argagixiso” la toogan doono maadaama ay ka warrameen Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Hiiraan, sida lagu sheegay war saxaafadeedka wadajirka ah, uuna xaqiijiyay Yaasiin.
“Waxaa nala xiray iyada oo aan na loo oggolaan qareena ama cid kale,” ayuu Yaasiin u sheegay CPJ, waxaana uu hadalkiisa raaciyay “Waxay noo sheegeen in haddii mar kale na la soo xiro nala dili doono. Shaqadeena ayaan wadan doonaa inta aan cadaallad ka helayno ama aan ka dhimanayno.”
Weriyayaasha ayaa markii dambe xabsiga laga sii daayay iyaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, kadib baaqyo ku aaddan sii deyntooda oo ka yimid shacabka iyo hay’adaha saxaafadda. Ma jirin weriye dhibaato loo geystay ama qalab lagu burburiyay hawlgalkaas, sida uu Yaasiin u sheegay CPJ.
Gelinkii dambe ee isla maalintaas, weriyayaasha ayaa la geeyay guri ay ku sugnaayeen madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar, taliyaha booliska Hirshabelle, G. Sare Xasan Dhicisoe iyo taliye ka tirsan Ciidanka Xoogga Qaranka G. Sare Maxamud Xasan Ibrahim, sida lagu sheegay war saxaafadeedka SJS iyo SOMA, uuna xaqiijiyay Yaasiin.
“Waxay noogu hanjabeen in aan cawaaqib xumo kala kulmi doonno haddii aan tebino warar lid ku ah maamulka Hirshabelle,” ayuu yiri Yaasiin, oo intaa raaciyay, “Waxaa na loo sheegay in nala dili doono marka xigta ee nala soo xiro.”
Idaacadda Hiiraan Weyn ayaa hawada ku soo noqotay maalintii xigtay oo ahayd Sabti 22-ka Janaayo 2022.
Xoghayaha guud ee ururka FESOJ, Faarax Cumar Nuur, ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada lagu hayo xorriyada saxaafadda ee Beledweyne, inkastoo hay’adaha warbaahinta ay tababar ku aaddan taageeridda xorriyadda hadalka u fidiyeen saraakiisha booliska, sida lagu sheegay war saxaafadeedka SJS iyo SOMA.
“SJS iyo SOMA waxa ay sidoo kale ka walaacsan yihiin in taliyaha iyo askarta booliska ee tacaddiyadan bareerka ah geystay lagu tababaray oo lagu qalabeeyay dhaqaalo ay bixiyeen dowladaha Britain iyo Jarmalka, gaar ahaan mashruuca Joint Police Program (JPP), iyadoo aan loo dejin qaab lagula xisaabtamo,” ayuu war saxaafadeedku ka soo xigtay Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha guud ee SJS, oo intaas raaciyay in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay difaacidda xorriyadda hadalka.
Safaaradda Britain ee Muqdisho oo ka jawaabaysa su’aallo ay weydiisay CPJ ayaa qoraal email ah ku xaqiijisay in dalkeeda uu taageero mashruuca Joint Police Program (JPP), waxaana ay sheegtay in xorriyada hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta ay muhiim u yihiin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.
“Waxaan ka codsannay xog-haynta mashruuca JPP inay baaritaan ku sameeyaan eedeymaha la soo jeediyay,” ayay tiri safaaradda Britain oo emailka u soo dirtay CPJ. “Waxaan sugeynaa natiijada ka soo baxda baaritaanka, innaga oo la xiriiri doonna hay’adaha ay khuseyso ee Hirshabelle. Hase yeeshee, sida aan horayba u samaynay, waxaan diyaar u nahay in aan hakino taageeradeena, taasina waxa ay ku xiran tahay natiijada ka soo baxda baaritaanka.”
Safaaradda Jarmalka ayaa sheegtay inay ka warqabto eedeymaha ku aaddan arrinta Hiiraan Weyn, ayna si dhab ah u eegi doonto, sida ay farriin email ah CPJ ugu sheegtay Judith Gosmann oo qeybta Soomaaliya kala talisa arrimaha siyaasadda, iyadoo intaa raacisay “Jarmalka waxa uu si adag u difaacaa waajibaadka ka saaran heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xorriyada hadalka iyo saxaafadda, waxaana aan u fulin doonnaa mashruuca JPP qaab hormarinaya ujeedooyinkaas, balse aan wiiqi doonin.”
Taliyaha booliska Beledweyne, Maxamed Maxamuud, ayaan ka jawaabin farriimo iyo wicitaanno ay CPJ kula samaysay aaladda WhatsApp. Sidoo kale, lagama jawaabin emaillo iyo wicitaanno ay CPJ kula xiriirtay xafiisyada madaxweyne kuxigeen Yuusuf iyo taliye Maxamuud.